Wasiirka Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga maamulka Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaan joojiyeen ruqsadii Ganacsi ay siin jireen Kalluumeysatada.
Wasiir Saciid Sulub oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay haatan ay gacan ku hayaan, dhawaanna ay soo saari doonaan Siyaasad lagu xakameynayo Kalluumeysatadda kala duwan ee Xaalufiya kheyraadka kala duwan ee ku jira Badda.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale ay soo saari doonaan heshiisyaddii Sanduuqeynta ahaa ee lala galayey dalka geeska Afrika ku yaalla.
“Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqaâ€
Ugu dambeyntii Wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in wakhtigan ay jiraan afar Markab oo ka kalluumeysta xeebaha Somaliland, isla markaana uu ruqsadda siiyey wasiirkii isaga ka horeeyay.