Maamulka Somaliland ayaa deegaanadooda ka mamnuucay in dadka ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya in aysan shirar iyo siminaarro uga qeyb gelin karin gudaha Somaliland.
Xukuuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Bixii sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in dadka ka socda Somaliland ay shirar iyo  siminaarro u yimaadan Magaalada Muqdisho.
“Dhammaan kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo Kulamo kasta oo Dadka u dhashay Soomaaliya lagu keenayo Sonaliland lama ogola†ayaa lagu yiri War kasoo baxay Somaliland.
Sidoo kale Maamulka ayaa dhammaan Urrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ku amartay in aysan ka qeyb geli karin shirar iyo siminaarro lagu qabto Magaalada Muqdishio iyo deegaana kale ee dalka.
“Dhammaan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Soomaaliya†ayaa lasii raaciyay Qoraalka kasoo baxay Somaliland.
Si kastaba Somaliland ayaa horey u xirtay dad isugu jiray Mas’uuliyiin, Ganacsato, Fanaaniin ka tegay Muqdisho oo socdaal ku gaaray Magaalada Hargeysa, iyagoona haatan mamnuucday dadka ka tega Muqdisho ee shirarka u aada deegaanadeeda.