Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda deegaan maalmo kahor ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo ay kala dhex-galeen Ciidanka Milateriga Somaliland iyo kuwa Maamulka Gobolkaas.
Guddoomiyaha Sool Cabdiqani Maxamed Jiidhe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in haatan xaaladda deegaanka Dhabar-dalool ay degan tahay, kadib markii Ciidanka Somaliland kala dhex-galeen Maleeshiyaadkii halkaas ku dagaalamayay.
Waxaa uu sheegay in wax Colaad ah aysan ka jirin Dhabar-dalool, isla markaana waxaa uu Guddoomiye Cabdiqani Maxamed Digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay nabada wax yeelo, isagoo xusay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.
“Hadda xaaladdu way deggen tahay, cid kasta oo dhexdiina fidno ka abuuraysana iska dhex qabta, anaguna Mamul ahaan sinaba raalli uguma nihin colaad dambe oo dhacda iyo dhiig dambe oo daata, cid kasta oo isku dayda inay xad gudub samaysana waajibkayaga ayaanu ka gudunaynaa, ee nabaddu cid kasta waa u dan ee aynu nabadda wada ilaashano†ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo maalmo ka socday deegaanka Dhabar-dalool ee Gobolka Sool oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka uu salku haayay dhul, iyadoona Mleeshiyaadka kala dhex-galay.