Maamulka Somaliland ayaa Maanta soo saaray Amaro ku socda maamulada hotelada ku yaalla Magaalada Hargeysa, kaasi oo la xiriira Shirar iyo Xafladaha lagu qabto hotelada.
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in shirar ama Xaflad uusan u ogeyn Somaliland aan lagu qabin karin hotelada ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Gobolka Maroodijeex ayaa waxaa lagu sheegay in la ogol yahay oo kaliya in la qaban shirarka iyo Xafladaha uu ogyahay maamulka.
Dhinaca kale Maamulada hotelada ayaa waxaa lagu amray inay fuliyan Amarka soo baxay, isla markaana ay soo wargeliyan hadii ay jiraan barnaamijyada la mamnuucay.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mararka qaar Magaalada Hargeysa ay ka dhacaan shirarka siyaasaddeed ee xisbiyada siyaasadda iyo dadka kale ee arrimo siyaasaddeed ka hadla.