La-taliyaha Madaxweynaha DFS ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka ,  Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis†ayaa hadalkaasi ku sheegay Wraeysi uu dhawaan siiyey Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Sacuudiga, wuxuuna ka hadlay Isbedelka Siyaasadda ee Mustaqbalka ay la imaanayso Istaraatijiyad cusub.
Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga tahay Isbahaysiga ugu weyn ee Gobalka, isla markaana taageeradda ugu badan la garab taagan Somalia.
La-taliyaha waxa uu xusay inay Sacuudiga ku soo eegayaan Somalia Indho Istraatijiyadeed iyo mid Walaaltinimo, isla markaana Aragti dheer xambaarsan.
Waxa uu intaasi ku daray inay dowladda Sacuudiga taageero ka geystaan sidii ay Badda Cas u noqon lahayd meel Ammaan iyo sidii Mandiqadda looga dhigi lahaa meel aan loo soo xawilin Burbur iyo Deganaansho La’aan.
Sheekh Cali Wajiis waxa uu Wareysigiisa ku soo hadal-qaaday Khilaafka Khaliijka, wuxuuna xusay inuusan isbedelin Aragtida Sacuudiga ee Mustaqbalka Somalia, isla markaana ay Somalia is-garab taageen Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan.
Waxa uu bidhaamiyey inay Dowladda Sacuudiga ku taageertay DFS lacag dhan 100 million oo Dollar sannadkii hore, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin Dowladaha kale oo Taageeradaasi oo kale u fidiyey Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu ku dheeraaday Taageeradda Joogtada ee Dowladda Sacuudiga iyo dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan Deganaanshaha iyo Horumarka dalka Somalia.
La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka waxa kale oo uu sheegay inay Sacuudiga ballan qadaay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Muqdisho iyo Saldhigyadda Milliteri ee Ciiddanka Qaranka Somalia.
Sheekh Cali Wajiis waxa kale oo uu Wareysigiisa ku soo hadal qaaday inay Dowladaha Sacuudiga, Britain iyo Maraykanka yihiin Dowladaha taageeradda rasmiga ee ugu badan siiya DFS, isagoo Iskaashiga Wdaajirka ee Somalia iyo Somalia ku sifeeyey Isbahaysiga mudaanta koowaad leh.