Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa dib u soo cusbooneysiisay farriimaha Ammanaka ee dadka Mraaykanka ee dibedaha u safra, waxaana la soo bandhigay dalalka ugu khatarta badan Liiska 35-ka Waddan ee horey loo shaaciyey inay dadka Maraykanka halis ugu jiraan in lagu afduubto, lagana qaato lacago madax-furasho ah.
Bishan April 9-dii ayey Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka digtay khatarta ay Muwaadiniinta Maraykanka kala kulmi karaan 35 Waddan oo ku baahsan Qaaradaha Adduunka.
Sida laga soo xigtay maanta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waxay Xafiiska Arrimaha Qunsulliyadda waxay si dhow ula shaqeyn doonaan Xafiiska Ergayga Khaaska ee Madaxtooyadda ee Arrimaha La-haystayaasha iyo Wakaalladaha Mraaykanka waxay u shaqeyn doonaan badbaadinta dadka Maraykanka ee ku sugan dalalka ka baxsan Baddaha iyo in la hortego, lana xaliyo kiisaska Afduubka iyo in La-hayste laga dhigto.
Haddaba, qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxa uu 4 heer u qeybiyey 35-ka waddan ee Muwaadiniinta lagu afduuban karo, waxayna Waaxda Arrimaha Dibedda ka digtay inaysan kaalmo ka geysan Karin deegaanadda ay khatarta sare ka jirto.
35-ka waddan ee dadka Maraykanka khatarta ugu jiraan in lagu qafaalan karo waxaa la sheegay inay ugu khatarsan yahay Waddamadda lagu xusay Heerarka 4-aad waaxayna kala yihiin Heerarkaasi sidatan:
Dalalka Heerka 4-aad ee ugu khatarsan waa:
Afghanistan
Central African Republic
Haiti
Iran
Iraq
Libya
Mali
Somalia
South Sudan
Syria
Venezuela
Yemen
Dalalka Heerka 3-aad ee Ka-feker booqashadooda:
Burkina Faso
Democratic Republic of the Congo
Lebanon
Niger
Nigeria
Pakistan
Sudan
Turkey
Dalalka Heerka 2-aad ee walaaca xooggan ka jiro waa:
Algeria
Bangladesh
Cameroon
Colombia
Ethiopia
Kenya
Mexico
Papua New Guinea
Philippines
Russia
Trinidad and Tobago
Uganda
Ukraine
Dalalka Heerka 2-aad ee uu Ammaanka caadiga ka jiro waa:
Angola
Malaysia