Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington waxaa maanta ka furmi doona Shirweyne ay ka qeyb galayaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee  68 Dowladood, kuwaasi oo ka wada tashanaya Istaraatijiyadda lagula dagaalamayo Kooxda Daacish iyo Ururadda kale ee Isbahaysiga la ah.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Â Rex W. Tillerson ayaa shir guddoomin doona Shirkaasi oo ah kii ugu horreeyey ee uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump qabanqaabiyo, lagu mideynayo Aragtiyaha dalalka Isbahaysiga ka ah Hawlgalka La-dagaalanka Kooxda Daacish.
Shirweynaha maanta ka furmayo magaalladda Washington waxaa kaloo lagu eegayaa sidii looga hortegi lahaa Dagaalamayaasha shisheeyaha ee ka feer daagaalanta Kooxda Daacish iyo Khatarta ay la soo laaban karaan.
Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee ka qeyb galayo Shirka maanta ka furmayo Washington waxaa ka mid ah 14-Wasiiro ka tirsan Dowladaha Carabta, kuwaasi oo kala ah Somalia, Sacuudiga, Masar, Qatar, Baxrayn, Urdun, Libya, Moroko, kuweyt, Iraq, Imaaraadka Carabta, Lubnaan, Cummaan iyo Tunisia.
©Radio Dalsan
Â
Â