QM waxay soo saartay Warbixinta Sanadlaha ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan oo lagu muujiyey in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay waxyeello ka soo gaartay Colaadihii dhacay sanadkii hore ee 2020-kii.
Carruurtaasi waxay Dhibane u noqdeen Tacadiyada Qabuuraha, gaar ahaan Kufsiga iyo in loo qoro dagaalka.
Warbixinta waxaa lagu xusay in tirada ugu badan ee Tacadiyadaasi laga diiwaan geliyey dalalka Somalia, Syria, Yemen, Afganistan iyo Koongada Dimuqraadiga, iyadoo in ka badan 8,400 carruur ah lagu dilay ama lagu dhaawacay Colaadaha socda.
Ku-dawaad 7,000 oo kale ayaa loo qortay inay dagaalamaan, kuwaasi oo badankooda ka dagaalamay dalalka Somalia, Syria, Koongada Dimuqraadiga iyo Mayanmaar.
Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan  Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Virginia Gamba waxay sheegtay in Dagaallada dadka waa weyn ay mar kale la tageen Malaayiin Wiilal iyo Gabdho ah sanadkii la soo dhaafay ee 2020-kii.