Wasiirrada Shaqada ee dalalka Soomaaliya ,Burundi, Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Ugaandha ayaa Magaalada Nairobi ku saxiixay qorshe howleed la jaan qaadaya siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka, kaddib kullan labo maalmood socday oo looga hadlay Siyaasadaha Socdaalka Shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa markii uu shirka soo dhammaaday saxiixay war-murtiyeed wadajir ah oo bilow u ah ” Hab-raaca Nairobi’ si loo meel mariyo siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka.
Shirka looga hadlay Siyaasadaha Socdaalka Shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika ayaa waxaa soo agaasimey Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada dalka Kenya ee martida loo ahaa.