Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa kulan dhanka Online-ka ah la qaatay madaxda maaliyadda dowladda Suudan.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in dawadda Soomaaaliya ay sharaf u tahay in wadanka aan Suudaan ay ka caawiyaan sharuudaha loo maro nidaamka deyn cafinta, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP.
“Sharaf ayey inoo tahay in aan uga faa’ideyno khibradeena Deyn Cafinta Dowladda Suudaan oo hada dib u bilaabaysa shuruudihii IMF ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn_Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP, ayaa waxaa inoo suuro galay in aan Online kula shirno madaxda Maaliyadda Suudaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn Wasiir Beyle ayaa sheegay in dib u habeynta maaliyadda dalka ay aheyd safar adag oo lasoo maray, isaggoo xusay in ay ka go’an tahay in lasii labo jibaaro dadaalka dawladda Soomaaliya ay ku haggaajineyso hanaanka maaliyadda.