Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi ayaa waxaa Xafiiskeeda ku qaabishay Danjiraha Somalia u jooga Khartoum, Anbassador Maxamed Sheekh Isxaaq.
Wasiirada iyo Danjiraha waxay ka wada xaajoodeen Xiriirka soo-jireenka ee Labada dal, Dib-u-eegista horumarada Siyaasadeed ee Somalia, Shaqada Golaha KMG ee haya Talada Sudan, Mowqifka Sudan ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD iyo qoddob kale.
Drs. Maryama Saadaq Al-Mahdi ayaa waxaa soo dhaweysay Danjiraha, waxayna Warbixin ka siisay Mowqifka Sudan ee Muranka Ethiopia ee dhinacyada Biyo-xireenka GERD iyo Khilaafka Xuduudka ee Labada dal.
Danjiraha Somalia u jooga Sudan, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq waxaa uu ka mahad celiyey Taageerada Sudan ee Hoggaaminta Urur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Somalia.
Wasiirada iyo Danjiraha waxay kaloo isku waafaqeen inay Dowladaha Somalia iyo Suudan iska kaashadaan Ammaanka, horumarinta iyo Deganaanshaha.