Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID-19. Shan bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday dalka saacadihii lasoo dhaafay.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 65 kamid ah bukaannda cusub ay rag 30-na haween. 31 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.
17 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 72 Somaliland, Koonfur Galbeed 4 iyo Galmudug oo laba ruux ah.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 1,689 waxaa cudurka ka bogsooday 235 Ruux. 66 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.
Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada.