Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 15 qofood.
Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Somaliland 8 gobalka Banaadir 13, Puntland 19 iyo dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed 7. Â Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.
Laba ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 59.
Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.