Boliska Federalka Maraykanka waxay shalay buuxiyeen Gal-dacwadeed ka dhan ah Wiil Dhallinyaro Somali ah, kaasi oo isla shalay la soo xiray.
Abdirizak Mohamed Warsame oo 20-jir ah ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 10 Dhallinyarro Somali oo ay FBI-da horey u xirtay, kuwaasi oo qorsheynayey inay  u safraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Dacish.
Saddex ka mid ah raggaasi wey qirteen arrintaasi, iyadoo shanta kalena la filayo in Dacwadahooda la dhegeysto bisha May ee sannadka soo socda, iyadoo mid kalena la sheegay inay ku sugan yahay gudaha Syria.
Qoraalka Dacwadda ka dhanka ah Abdirizak Mohamed Warsame ayaa la sheegay inuu diyaariyey Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI, Vadym Vinetsky, waxaaana Dukumentiga ku cad inuu Abdirizak Mohamed Warsame bishii April 16-dii ee sannadkii hore soo codsaday Baasaboor, kadib, markii uu mid ka mid ah saaxiibadiisa siiyey 200-Dollar.
Wuxuuna Xafiiska Baasabooradda u sheegay in loo dedejiyo Baasaboorka, si ay isaga iyo qoyskiisa booqasho ugu ambabaxaan dalka Australia.
Baasaboorka ayaa la sheegay inuu helay bishii August ee sannadkii hore.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Abdirizak Mohamed Warsame qorsheynayey inuu qoyskiisa u raaco Bariga Afrika, kadibna uu ka dhuunto, si uu ugu gudbo Somalia ama Syria.
Sarkaalka FBI ee diyaariyey gal-dacwadeedka, waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay inuu Abdirisak doonayey inuu marka ugu horreyso tago Somalia, kuna biiro Dagaalamayaasha Alshabaab oo uu rajeynayey inay ku biiraan Kooxda Daacish.
© Radio Dalsan                   Â