Telefishinka FOX NEWS ee dalka Maraykanka ayaa baahiyey in Nin Somali oo Qaxooti ahaan ku yimid dalka Maraykanka uu ku lug lahaa Weerarkii ay Sayid Ridwaan Faaruuq iyo Xaaskiisa isbuucii hore ka geysteen magaalladda San Bernardino, laguna dilay 14 qof
Telefishinka waxa uu sheegay in ay Lammaanahaasi xiriir la lahaayeen Nin Somali oo lagu magacaabo Mohamed Hassan, kaasi oo ka tirsan Jihadistayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.
Hay’adda FBI-da ayaa dabagal ku haysay Jihadistahaasi muddo 7 sanno ah, waxaana lagu tuhunsan yahay inuu yahay Wakiilka Daacish ee tashkiiliya dadka Maraykanka, si ay weeraro uga geystaan gudaha Maraykanka.
Sharci-xoojiyayaasha Maraykanka ee dhawaan baaray Guriga Sayid Ridwaan Faaruuq ka degganaa magaalladda Redlands ee Gobalka Kalifornia waxay ka heleen caddaymo la sheegay inay xiriir leeyihiin Faaruuq iyo Maxamed Hassan oo horey ugu noolaa magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Mohamed Hassan oo Cinwaanka @Miski ku leh Twitterka, waxa uu dalka Maraykanka ka soo ambabaxay sannadkii 2007-dii, wuxuuna ku biiray Dagaalamayaasha Alshabaab, kadibna waxa uu u wareegay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.
Bishii May ee sannadkan, Shabakadda Wararka WND ee Maraykanka ayaa qortay inuu Mohamed Hassan dhiiri-geliyey mid ka mid ah Labadii nine e bishii May 4-dii weerartay Xafiiska uu magaalladda Garland ee Gobalka Teksas ku leeyahay Farshaxaniste Maraykan oo lagu magacaabo Pamela Geller, kaasi oo sawiray Muuqaal uu ugu gefay Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaam.
Dhinaca kale, Tan iyo sannadkii 2007-dii Ugu yaraan 50 Qaxooti Somali oo ku sugnaa Maraykanka ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen, isla markaana ay  Xilal Sare ka hayaan Xarakadda Alshabaab iyo Kooxda Daacish.
© Radio Dalsan         Â