Shan Somali Maraykan deggan Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa waxaa mar kale lagu soo oogay dacwado cusub, iyadoo la sheegay inay doonayeen inay Falal Dilal ah ka geystaan dibedda dalka Maraykanka.
Shantaasi nin ayaa shalay la ssoo taagay Maxkamadda Federalka ee magaalladda Minneapolis, waxayna Dacwad-oogayaasha soo bandhigeen qoraal ka dhan ah Eedeysanayaasha oo horey ugu eedeysnaa inay doonayeen inay u safraan dalka Syrria, kuna biiraan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish.
Eedeysanayaasha la soo taagay Maxkamadda ayaa waxaa  lagu kala magacaabo Hamza Naji Ahmed, Mohamed Abdihamid Farah, Cadnan Abdihamid Farah, Abdurahman Yaasin Daa’ud iyo Guuled Ali Omar.
Saddex ka mid ah Eedeysanayaasha waxay si wadajir u qirteen Eedeynta cusub.
Dhinaca kale, Xeer-beegtidda Maxkamadda ayaa waxay dib u dhigeen dacwadaasi, waxaana filayaa in Dacwadda mar kale la dhegeysan doono bisha Feberaayo ee sannadka soo socda ee 2017-kii.