Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa la soo taagay 9 Eedeysane oo 6 ka mid ah asalkoodu Somali yahay, kuwaasi oo lagu helay inay ka ganacsadaan Daroogadda, gaar ahaan noocyadda cocaine iyo heroin.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo kala qabtay Degmooyinka Luton iyo Bedford, Norwich iyo Ipswich.
Maxkamadda ayaa loo soo bandhigay waxyaabihii lagu soo qabtay Eedeysanayaasha oo isugu jiray Lacag, Hub iyo Daroog culayskeeda kala ahaa 4.58 Kiilogaraam  iyo 121 garam oo Daroogadda nooca Cocaine.
Sidoo kale, Boliska waxay sheegeen in Degmadda Brentford laga helay kayd Daroogo oo dhan 28,500 oo duub.
Dhinaca kale, Eedeysanayaasha Soomaalida ee lagu riday xukunnadda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay
- Abdi Sugulle oo 30-jir ah oo lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo Bar.
- Ali Haji, 27 jir ah waxaa lagu xukumay 7 sanno,
- Shaafici Cali oo 26 jir waxaa lagu xukumay 7 sanno iyo 3 bilood.
- Mahad Hassan oo 29-jir ah, waxaa lagu xukumay Xabsi 6 sanno iyo 4 bilood.
- Jama Adam, oo 26-jir ah, waxaa lagu xukumay Xabsi 6 sanno iyo lix bilood..
- Abdi Nuur oo 21-jir ah waxaa lagu xukumay 6-sanno.
©Radio Dalsan                           Â