Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa soo bandhigay Muuqaaladda 4 Muwaadiniin British ku biiray Maleeshiyadda Daacish, kuwaasi oo la sheegay in lagu dilay magaalladda Raqa ee dalka Syria, wax yar kadib, markii ay ku biireen Daacish-ta ka dagaalanta  Syria.
Mid ka mid ah Jihaadistayaasha la dilay oo ahaa  Somali-British waxaa lagu magacaabi jirey C/llaahi Xasan, kaasi oo horey u deganaa magaalladda London.
Wargeyska The Sunday Times ayaana soo bandhigay Muuqaal Filim oo muujinaya iyadoo uu Marxuumkaasi kor u haysto Qori AK 47 ah, isla markaana wacad ku maraya inuu dili  doono Muwaadiniinta iyo Askarta Britishka iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Syria.
Wargeyska waxa uu qoray inuu C/llaahi Xasan ka yimid Degmadda Woolwich ee K/bari ee magaalladda London, wuxuuna ka mid ahaa 20 nin oo lagu naanaysi jirey Wiilasha The Woolwich Boys, kuwaasi oo u socdaalay dalka Syria, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.
Marxuumka oo lagu nanaaysi jirey Adbi ma kala cadda inuu ku dhashay gudaha dalka Britain ama inay carruurnimo ku keeneen Waalidkiisa o oah Qaxooti ka yimid Somalia.
Muuqaalka la soo bandhigay waxaa kaloo laga arki karaa Marxuumka C/llaahi Xasan iyo 2 dhallinyaro ka kala timid dalalka Sweden iyo Australia oo qori ka ridaya rasaas toogasho ah goob ku taalla caasimaddii Kooxda Daacish ee magaalladda Raqa ee dalka Syria.
Dhinaca kale, Wargeyska The Sunday Times waxa uu qoray in horey loo aqoonsaday 3 ka mid ah dhallinyarada haysta dhalashadda UK  oo lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Al-khaliifi oo 22-jir ah, Fatluum Shalaku oo 20-jir ah iyo Maxamed Mahdi Xasan oo 19-jir, iyadoo qofkii 4-aad ee hadda la aqoonsaday uu yahay Jihadiste Somali-British lagu magacaabi jirey C/llaahi Xasan.