Ilo ku dhowdhow Xafiiska Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/Galbeed ayaa sheegayo in la soo rogay Amar culus oo Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadaasi looga mamnuucay inay Diyaarado ku soo galaan magaalladda Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi.
Waxaa kaloo laga mamnuucay Xildhibaanadda K/galbeed ee ku sugan gudaha Baydhabo inay ka dhoofaan ama ka baxaan magaalladaasi.
Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid uu Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kaga hortegayo inuu Kacdoon ka dhan Maamulkiisa uu ka dhaca magaalladda Baydhabo.
Tiro badan oo Xildhibaano ah ayaa ugu baaqay Madaxweynaha K/Galbeed inuu xilka iska casilo, waxayna ku eedeeyeen inuu Maamulkiisa taageeray Isbahaysiga Dowladaha Sacuudiga iyo Iimaaraadka.
Madaxda Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed waxay si wadajir ah ugu biireen Isbahaysiga Sacuudiga, inakastoo ay DFS dhexdhexaad ka noqotay Khilaafka u dhexeysa Dowladaha Isbahaysiga la ah Sacuudiga iyo dalka Qatar.
Dhinaca kale, ilaa 5 Siyaasi iyo Hawlwadeeno kale ayaa ku xiran magaalladda Baydhabo, kuwaasi oo la sheegay inay si xooggan u mucaaradsan yihiin Siyaasadda Madaxweynaha Maamulkaasi.