Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 3/1/2018 ayaa waxaa Maxakamada Racfaanka Gobolka Banaadir laga sugayaa Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kadib markii dib loo dhigay todobaadkii hore.
Maxakamada Racfaanka ayaa todobaad ka hor dalbatay in uu horyimaado C/raxmaan Cabdi Shakuur kadib markii ay dacwad markale ku soo oogtay Xeer ilaalinta Qaranka.
Shalay ayaa War uu soo saaray Siyaasiga waxa uu ku sheegay in waqtigaan aysan jirin cid dambi u heysata isla markaana uu Ansax yahay xukunkii ay riday Maxkamada Gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in arintaani ay wado xeer ilaalinta Wadanka iyada oo garab ka heleysa Madaxda ugu sareysa dalka.
Sokastaba Maanta ayaa laga dhursugayaa wixii ka soo baxa Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir hadii uu tago Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.