Waaxda Duullimaadka ee dalkaasi ayaa maanta shaacisay Ogeysiis Duulliyayaasha loogu sheegayo in Hawada dalkaasi laga xayiri doono Diyaaradaha muddada uu socdo Kulanka Taariikhiga ee la filayo inay Madaxweyne Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un bishan 12-da ku yeeshaan Jesiiradda loo dalxiis tago ee Sentosa Island oo ku taalla Koonfurta dalka Singapore.
Ogeysiiska oo lagu Soo daabacay Websaytka Ururka Duullimaadyadda Rayidka Caalamka ee (ICAO) iyo Hay’adda Federalka ee maamusha Duullimaadka Diyaaradaha ee Maraykanka (FAA), waxaana lagu xusay in si KMG Duullimaadyada Diyaaradaha looga mamnuucay dalka Singapore bishan June 11-da ilaa 13-da.
DAAWO: SAWIRRADA JESIIRADDAÂ SENTOSA ISLAND OO AY DONALD TRUMP IYO JONG KIM UN KU KULMI DOONAANÂ