Ku dhawaan 30 Gaari oo isugu jira Waaweyn iyo yar yar ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay ku xayirnayeen deegaanka Balihigis oo 5km dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Cadaado kadib markii loo dhigtay Isbaarooyo lagana  doonayay bvixinta lacago xadhaaf ah.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa Gawaaridaas ka doonayay in Gaariga Weyn uu bixiyo lacag dhan $100 Dollar halka kuwa yar yar ay ka doonayeen $50 dollar balse taasi ay ku adkaatay,waxana taasi ay keentay in ilaa shalay ay halkaasi ku xayirmaan.
Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Cadaado iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku baxay dhibaatada duleedka degmadaas ku haysa Gaadiidleyda safarka ku jirtay,waxa ayna ku guuleysteen in lasiidaayo.
Mid ka mid ah Darawaladaas oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa la adeegsado ayaa Dalsan u sheegay in iyaga iyo Gaadiidkoodii lasiidaayay balse weli isbaarooyinkii ay yaalaan deegaanka Balihigis  oo 5km dhanka waqooyi ka jira Magaalada Cadaado.