Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo oo u dhashay dalka Uganda ayaa xaqiijiyey inay Ku-simihii Taliyaha Boliska ee AMISOM, Kiristiine Alalo oo iyadana Ugandhees ah ku geeriyootay Shilkii Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Tulu Fara ee duleedka magaalladda Bishoftu oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.
Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo waxa uu sheegay in Ku-simihii Taliyaha Boliska ee AMISOM, Kiristiine Alalo ay la socotay Diyaaradii ku sii jeeday Nairobi, isla markaana ay xiriir la samaysay Dareewalkeeda oo ku sugan Nairobi, si uu iyada uga soo qaado marka ay ka soo degto Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi.
Baraha Bulshadda waxaa ilaa shalay lagu hadal-hayey inay nooshahay Ku-simihii Taliyaha Boliska ee AMISOM, Kiristiine Alalo, iyadoo Saraakiil ka tirsan Boliska Uganda ku doodeen inay nooshahay, isla markaana aysan la soconin Diyaaradda Ethiopian Airlines, balse ay raacday Diyaarad Turkish Airline oo duullimaadkeedu ahaa Addis Ababa ilaa Nairobi.