Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Saalim Macow Xaaji ayaa xarunta Safaaraadda Soomaaliya ee magaaladda Riyadh ku qaabilay Lataliya arrimaha siyaasadda ee Safaradda dalka Ingiriiska ay ku leedahay dalka Sacuudiga mudane Barrie Peach.
Labad masuul ayaa ka wada hadlay Horumarinta Xiriirka Saaxibtinimo ee labada dal Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeysa labada safaaradood Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Mudane Saalim Macow Xaaji ayaa uga mahad celiyay Lataliyaha Taageerada dhinacyada kala duwan ee Dowlada Ingiriiska ay siiso Soomaaliya.
La taliyaha arrimaha siyaasadda ee safaaradda Ingiriiska ee magaaladda Riyadh mudane Barrie Peach ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda Riyadh iyo sida dawladda Ingiriisku ay ahmiyad weyn u siineyso balaarinta cilaaqaadka saaxibtinimo iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.