Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay, xili ay kasoo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga.
Qoraal lagu daabacay Bogga Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Ilaalada Taliye Odawaa ay toogteen Nin isku dayay inuu qarxiyo gaariga uu saarnaa Taliyaha, hayeeshee la hortegay.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in Ninkaas uu waday gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf, isla markaana uu doonayay inuu soo dhex-galo kolanyada Ilaalada u aheyd taliyaha Ciidamada, balse markii uu diiday inuu istaago ayay Ciidanka rasaas ku fureen gaariga, sidaasina uu ku qarxay.
“Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay†ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.
Taliye Odawaa oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu tilmaamay in bartilmaameedka qaraxaas Ismiidaaminta uu isaga ahaa, Â balse ciidamada Ilaalada u ah ay ka hortegeen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, In kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.