Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo arbaco ah halkaas siweyn looga dareemayo Sicir barar xoogan oo ka jira, in kastoo Cuni yari aysan jirin.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Sicir barar xoogan Maanta laga dareemayo suuqyada Sarifka lacagta ee Magaalada Gaalkacyo, isla markaana 1 dollar la sarifayo 50,000 oo Shilling Soomaali ah.
Sidoo kale dadka tegay Suuqa ayaa ku warramay in meelaha qaarkood ee Suuqa laga diidayo in la qabto lacagta Dollarka ee dadka wax ku iibsadaan, Sarifleyna ayaa la tilmaamay inay diideen lacagta.
“Maanta Sicir bararkii ugu adkaa ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waa ay adeg tahay in dadka wax Sarifa ee jooga Suuqa ay qabtaan lacagta dollarka ee la doonayo in wax looga Sarifto†ayuu yiri Qof kamid ah dadkii saaka tegay Suuqa Gaalkacyo.
Dhibaatadii ugu xooganaa ayaa soo food saartay xoogsatada iyo danyarta ee kunool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo walaac farabadan ka muujiyay Sicir bararka soo kordhay, iyadoo weli aan la ogeyn wax sababay.