Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay ayaa ka hadlay eedeaha Dowladda dhexe ay u jeedisay isaga iyo Axmed Madoobe ee ku aaddan in ay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deni ayaa iska fogeeyay eedda Culus ee loo jeediyay waxaana uu carrabka ku dhuftay in wax waliba oo sababay fashilka shirkaasi uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Maxmed Farmaajo, isagoo sheegay in la isku mari waayay Ajandaha shirka, waxaana uu tilmaamay in Madaxdu ay Aadeen wadatashiyo ayna Nasiino u bexeen, balse ay ka war heleen hadalka kasoo yeeray Dowladda dhexe ee ahaa in shirkii fashil kusoo dhammaaday oo aan wax Natiijo ah laga gaarin.
Horay Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gabi ahaanba uu burburay shirkii ka socday Teendhada Afisyooni, waxaana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin†in dalka ay doorasho ka dhacdo.