Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaaciyey in ugu yaraan labo Jihadistayaal u dhalatay dalka Britain, kana tirsanaa Alshabaab ka baxsadeen Xabsiga Bungoma ee Kenya.
Maxaabiistaasi ayaa ka mid ahaa shan maxbuus oo siyaabo kala duwan uga baxsadeen Xabsigaasi.
Sarkaal-Fuliyaha Xabsiga Bungoma, Henry Ochieng ayaa sheegay in labo ka mid ah Maxaabiista ahaayeen Dembiilayaal waa weyn, halka Saddexda kale ee Ajaaniibta ah loo haysto inay si sharci-darro ah ku joogeen Kenya.
Sarkaal kale oo ka hawlgala Xabsiga Bungoma ayaa sheegay inay Labada maxbuus ee Brtishka lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab,wuxuuna tilmaamay in baxsadkooda lala xiriirin karo musuqa Maamulka Sare ee Xabsiga.
Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay  inay qaar ka mid ah Maxaabiista caadiyaan laaluush siiyaan Saraakiisha sarsare si loogu sameeyo macaamiltan gaar ah.
Ma kala cadda Maxaabiista Britishka inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka qeyb qaatay weeraraddii ka dhacay dalkaasi iyo in kale.
Baaritaanno xooggan ayaa la bilaabay oo lagu raadinayo Maxaabiista ka baxsatay XabsigaBungoma.
Xigasho:-Â Daily Nation