Dowladda Britain oo ugu baaqday Beesha Caalamka inay dhabarka u ritaan Mas’uuliyadda Guud ee Ammaanka Somalia
Dowladda Britain ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqday Shirweyne looga hadlayey Ammaanka Somalia oo shalay lagu qabtay Caasimadda dalkaasi ee London.
Xoghayaha Britain ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Dhex Afrika Tobias Ellwood iyo Xoghayaha Ciiddaadda Hubeysan ee Britain, Mike Penning oo wada Shir-guddoomiyey Shirweynahaasi ayaa sheegay inay taageero ka geysan doonaan Isku-xirka Dadaalka Caalamiga ee Nabad-dhiska Somalia oo ay kala qeyb geli doonaan dhamaan Wasiiradda Difaaca ee dalalka Caalamka.
Xoghayaha Ciiddaadda Hubeysan ee Britain, Mike Penning waxa uu ugu baaqay Beesha Caalama inay door muhii ka qaataan Soo-celinta Ammaanka Somalia iyo in si habsami leh looga qeyb galo Doorashadda dhawaan ka dhici doonta Somalia.
Mike Penning oo bishii hore booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho waxa uu timaamay inuu soo arkay Nabadgelyo-xumidda ka jirta  Somalia, wuxuuna ka digay inay arrintaasi wiiqi karto Dadaalka Siyaasadeed ee la sameeyey.
Waxa kale oo uu ka hadlay Hawlgalka ay Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM ugu jiraan Soo-celinta Nabadda, wuxuuna ku bogaadiyey Geesinmadooda ku aadan sidii Dadka Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa weeraradda Xag-jirayaasha, .
Xoghayaha Ciiddaadda Hubeysan ee Britain, Mike Penning waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Britain ka go’an tahay inay Taageero muhiim ka geystaan Ammaanka Somalia, wuxuuna xusay inay 70 Askari oo UK ah joogaan Somalia, kuwaasi oo Taageero siiya Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka.
Dowladda Britain waxay safka hore kaga jirtaa Dadaalka lagu xaqiijinayo Ammaanka iyo Nabadda Somalia,waxayna Somalia sannadkan ugu deeqeen lag dhan 200 million oo Genbiga Istarliinka (Pound).
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Britain waa Dowladda keliya ee Midowga Europe ee Safaarad ka furatay Caasimadda  dalka Somalia ee Mogadishu.
Xigasho: www.gov.uk
©Radio Dalsan