Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa Maanlintii labaad waxaa uu Shirweyne xasaasi ah uga socdaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Is-baheysi mid ah.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Maanta diirada lagu saari doonaa Arrimo la xiriira Qodobada kasoo baxay kulan xalay qaar kamid Musharaxiinta ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qqoorqoor.
Kulankaas ayaa waxaa Qoorqoor ay Musharaxiinta ugu gudbiyeen walaaca ay ka qaadan Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, iyagoona ka dalbaday isbedel uu ku sameeyo Guddiyada uu magacaabay.
Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu yahay in maalinnimada berito ah lasoo gabogabeeyo, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.