Shirkadda Warbaahinta Bulshadda ee Twitter Inc. ayaa joojisay Nidaamkeeda lagu aqoonsan karo magaca ama Aqoonsiga Macaamilka Isricmaalayaasha Twitter-ka.
Marka uu qofku taabto “Blue ticks†waxaa u soo baxaysa farriin ah inuu jabay ama inuu u baahan yahay Dayactir “broken†and in need of repair.
Sannado ka hor, Twitter-ka waxay bilowday in Calaamad Bulug ah oo ku xigta Xisaabaadka aqoonsiga Isticmaalayaasha “users’ identitiesâ€, taasi oo ah dhabo kaa caawinaysa Kala duwanaanshaha Cinwaanadda saxda ah iyo kuwa la been abuurtay.
Isbuucan, Shirkadda Twitter waxay naqdin kala kulantay cillad kale, inkastoo qoraal ay Qeybta Taageeradda ee Shirkadda soo dhigtay Twitter-ka ku muujiyeen in Xaqiijinta loola jeeday in lagu xaqiijiyo Aqoonsiga iyo Codka.
Waxay kaloo sheegeen inay garwaaqsadeen arrintan lagu wareeray, iyo in loo baahan yahay in la xaliyo.
Sarkaalka Guddoomiyaha Fulinta ee Twitter-ka, Jack Dorsey ayaa isagana Bartiisa soo dhigay in Kooxda Maareynta sida ugu dhaqsaha badan u xaliyaan Nidaamka.
Waxa uu intaasi ku daray in Shaqaalaha si sax ah u raacayaan Nidaamka Aqoonsiga ee Shirkadda, balse ay waqti yar ka hor ogaadeen inuu Nidaamku jabay, loona baahan yahay in dib loo aqoonsado.
Wuxuuna qiray inay ku fashilmeen inaysan waxba ka qabanin cilladaasi haatan laga cabanayo.