Twitterka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ @ NUSOJ_Somalia ayaa dib loo soo celiyey, sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha NUSOJ, Maahir Jaamac.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ ayaa lagu shaaciyey inay ku guuldeysteen inay dib u soo celiyaan Twitter-kooda Sharciga ee loo aqoonsan yahay ee  @ NUSOJ_Somalia
Twitter-kaasi ayaa horey loo hakiyey (suspended), kadib, markii la isku dayey in lala wareego.
Shirkadda Twitter-ka waxay cinwaanka @ NUSOJ_Somalia u aqoonsatay Ururka NUSOJ, isla markaana waxay gaashaanka ku dhufteen sheegasho la been abuurtay.
Hakadka horey loo geliyey cinwaanka Twitterka ee NUSOJ ayaa timid, kadib, markii ay Qareeno ku sugan Europe oo la marin habaabiyey ay buuxiyeen Kiis ka dhan Ururka Suxufiyiinta Qraanka Somalia ee NUSOJ.
War-saxaafadeedka NUSOJ ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay shaaciyaan in dib loo soo celiyey Twitterka NUSOJ, iyadoo Shirkadda Twitter-ka ogaadeen sheegashaddii Omar Faaruuq Cismaan inay tahay mid aan asaas lahayn oo aan sal lahayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka NUSOJ, Maahir Jaamac waxa uu shalay oo Axad ahayd sheegay in Cinwaanka NUSOJ haatan shaqeynayo, isla markaana ay dadka ka heli doonaan wararka ugu dambeeyey ee Xaalladaha Suxufiyiinta Soomaalida.
Sidoo kale, Shirkadda Twitter waxay horey u hakiyeen Cinwaanka Khaaska ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu (@MOALIMUU), balse dib ayaa loo furay, kdaib, markii ay Shirkadad Twitter-ka yaqiinsadeen runta, kana daba tageen Sheegashadda been abuurka ee uu isku soo duway Cumar Faaruuq oo sheegta xilka Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ oo horey cod looga qaaday Xafiiska bishii March ee sannadkii 2011-kii.