Maamulka Shirkadda Turkish Airlines ayaa u fududeeyey sidii Somalia loo gaarsiin lahaa Shixnadaha Mucaawanadda ee loogu tala galay dadka ku tabaalaysan Muqdisho.
Diyaarad Xamuul oo aad u weyn oo Turkish Airlines ayaa maanta soo caga-dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, waxaana Diyaaradda ku qornaa Hal-ku-dhigii caan baxay ee“The Love Army for Somaliaâ€.
 Deeqdan ayaa waxa soo ururiyey Fannaan, Ciyaartoy iyo U-ololeeyayaal Samafal oo Kaalmadda ku ururiyey Yabooha dhinaca Aaladaha Bulshadda, sida Twitterka.
Olole dhinaca Internet oo lacago loogu uruurinayay Abaaraha Soomaaliya oo ay sameeyeen bishii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jilaaga Ben Stiller, Colin Kaepernick oo ka tirsan Naadifa Ku/cagta Mareykanka ee NFL iyo xidigaha caanka ah warbaahinta bulshada sida Jerome Jarre, kuwaasi oo  19 saacadood ku sameeyay lacag uruurin, waxaana ay uruuriyeen lacag gaareysa hal milyan oo dollar.
©Radio Dalsan