Warbaahinta Bulshadda ee Facebook ayaa sheegtay inay Xaruntii ugu horreysay ee Dib-u-eegista ka furan doonaan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi dabayaaqadda sannadkan 2019-ka.
Hadal ka soo baxay Maamulka Sare ee Shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inay Xaruntaasi u xil saarnaan doonto Badbaadada iyo Ammaanka Siyaasadda Arrimaha Farriimaha Bulshadda iyo in laga hortago in Facebook-ga la soo dhigo Hadalladda Karaahida ah, wadaagista sawiradda anshax-xumidda iyo in la soo dejiyo ama la soo dawn-gareeysto Muuqaallo Video ee lagu dhibaateynayo qof kale.
Dhinaca kale, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay iyadoo shaqo-wadaag Shirkadda Samasource ayaa isla wadaya hawsha Xarunta cusub ee laga furi doono Nairobi.
Facebook waxay sheegtay inay kireysan doonto 100 shaqaale ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaasi oo taageero ka geysan doona tiro Luqado ah oo ay ka mid yihiin Luqadaha Soomaaliga, Oromada, Sawaaxiliga iyo Hawsaha ee looga hadlo qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda Facebook waxay 20 Xarumood oo Dib-u-eegis ah ka fureen Calaamka bishii December ee sannadkii hore ee 2018-kii , waxaana Wadamadda laga hirgeliyey Xarumahaasi ka mid ah Jarmalka, Ireland, Spain, Maraykanka, Filibiin iyo Latvia.