Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa sheegtay in ay si kumeelgaar ah u hakin doonta sameynta diyaaradda nooceedu yahay 737 max, marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2020-ka.
Shirkadda ayaa muddooyinkii dambe sameyneysay diyaaradda 737 max, xitaa kadib markii shirkado badan ay joojiyeen isticmaalka 737 max, kadib markii ay dhacday laba jeer.
Inkabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay, kadib markii diyaaradda 737 max ay ku burburtay dalalka Indonesi iyo Itoobiya, waxaana sababta ay diyaaradahaas u dhaceen lagu sheegay cillad ka jirta naqshadda cusub ee loo farsameeyay diyaaradda.
Shirkadda Boeing ayaa rajeyneysay in isticmalaka diyaaradan markale dib loo bilaabo dhamaadka sanadkan, hasayeeshee hey’adda xakameysa badqabka duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda 737 max aysan si dakhsi ah ugu laaban karin hawada ilaa iyo inta xal looga helayo cillada heysata.
Shirkadda Boeing ee fadhigeedu yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kamid ah shirkdaha Mareykanka ee inta badan wax u dhoofiya dibadda.