Maamulka Shirkada DP World oo ah shirkada la wareegtay gacan ku haynta iyo maamulka dekeda magaalada Berbera ayaa waxay soo saartay dhawr qodob oo amaro ah isla markaana ay farayso Shaqaalaha dekada Berbera,wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada iyo cid kasta  oo soo galaysa dekeda.
Amaradan ay soo saartay Shirkada DP World  oo ka kooban ilaa 4 Qodob ayaa kala ah.
1:- In Shaqaalaha Dekada iyo dadka soo booqanayaa ay xiraan dharka Badbaadada sida Kabo Adag, Maryo difaac leh oo ah kuwa dhalaala ee badanaa ay xirtaan ciidamada Ilaalada wadooyinka Dekadda.
2:- In gaariga Xamuulka qaada uu dekada lagali karo oo kaliya wadaha gaariga oo wata Cadaymihii galida,sida ogolaanshaha soo galida  dekeda iyo cadaynta Kastamka.
3:- In Gudaha Dekadda aan la ogoleyn in  lala galo Qaad ama Jaad.
4:- In sidoo kale aan la ogoleyn in dekada lala galo hubka noocyadiisa kala duwan sida Mindida,Budadka,Bakooradaha iyo Ulaha.
Sikastaba amarkaana ka soo baxay Maamulka shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Maamusha Dekada Magaalada Berbera ayaa waxaa siweyn uga soo horjeestay Shaqaalaha iyo Ganacstada wax ka soo degsada