Iyadoo in muddo ah Dekedda Muqdisho ay ku jireen haraadiga maraakiibtii iyo doomankii horey ugu burburay halkaasi,ayaa waxaa bilowday howlo lagu nadiifinayo Dekedda, Islamarkaana lagu soosaarayo qashinka kujira.
Shirkadda Albayrak oo laga leeyahay Dalka Turkiga oo qaabilsan maamulka Dekedda magaalada Muqdisho ayaa soo saartay 40 tan oo ah haraadiga Maraakiib xili horey ku dhexdegey gudaha Dekedda.
Sami Erol Waa Maamulaha Shirkada Albayral ee qaabilsan Dekedda Muqdisho waxaa uu sheegay in seddexdii Bilood ee soo dhaafay ay qabteen shaqooyin badan taas oo Dekedaa looga soo saaray burburka Maraakiibta ku degtay.
“Waxaan Qabanay Shaqo aad muhiim ugu ah Dekeda Magaalada Muqdisho waxaan soo saarnay Makaariin Mar hore ku degay Xeebta kuwaas oo dhibaato ku haayey Markiibta hadda ku soo xirta Dekeda weyn Muqdisho, Waxaan soo saarnay 40 tan oo ah haraadi Maraakiib Degtayâ€.
Guud ahaan Burburka Maraakiibta iyo Waxyaabaha kale ee Dekedda laga soo saaray ayaa hadda waxaa uu culeyskoodu isku gaarayaa ku dhawaad 300 oo tan.
Maamulka Shirkadda Albaik ee Turkiga ayaa sheegay in burburka maraakiibtaasi haraadigooda ay dhibaatooyin ku hayeen Maraakiibta iyo Doomanka sida Shixnadaha Ganacsi ee ku soo xiranaya Dekedda Muqdisho