Shirkii Aaya katashiga Mamulka Puntland ee uu kubaaqay Madaxweyne Dani ayaa Maanta sirasmi ah uga furmay Caasimada Maamulkaasi ee Garoowe
Waxaa goordhaweyd si rasmi ahi uga furmay Maagalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland shirweynaha Aaya katashiga Mamulka Puntland.
Shirka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya saamileyda siyaasada Puntland, waxgarad iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.
Wufuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas iyo
Sidoo kale wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah, magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal,
Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa horay u sheegtay in shirkaan lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya,
Shirweynahaani ayaa waxaa iclaamiyey Madaxweynaha iminka talada Maamulkaasi haya ee Sacid C/laahi Deni, wuxuuna ku soo aadaya, iyadoo haatan uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mamulka Puntland.