Maanta waxaa Maalintii labaad galaya Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Shirkaan oo looga hadlayo qodobo Muhiim ah ayaa shalay hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada waxa ay shalay ka hadleen khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya iyaga iyo dowladda Soomaaliya iyo waxa keenay waqtigaan.
Hoggaamiyaasha ayaa waxa ay Dowladda Dhexe ku eedeeyeen in aysan kala tashanin tallaabooyinka Siyaasadeed oo ay Madaxda Dowladda qaadayaan taas oo keentay khilaafka labada dhinac.
Sidoo kale waxa ay ka hadleen waxyaabihii keenay in ay Madaxda Dowlad Goboleedyada ay Go’aanka qaataan khilaafka Wadamada khaliijka iyaga oo ku baaqay in la raadiyo sidii xal looga gaari lahaa.
Ugu dambeyn shirkaan oo loo qorsheeyay in uu socdo mudo Saddex Maalin ah ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah la soo gaba gabeeyo, iyada oo ay soo saari doonaan Madaxda is qeybgaleysa shirkaan Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.