Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dalka Soomaaliya lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu Madaxda shirkaas isugu yeeray markii ugu horreeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka Golaha Wadatashiga ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda amni ee dalka, dhaqaalaha iyo sidii gurmad loogu sameeyn lahaa dadka Soomaaliyeeed ee Abaarta ku sameeysay Gobolada dalka.
Sidoo kale inta uu socdo Shirka Golaha ayaa waxaa looga arrinsan doonaa Arrimo kale oo gaar ah, iyadoona Madaxda shirka ka qeyb galeysa ay Warbixino siin doonaan Xasan Sheekh oo si rasmi ah loogu Caleema-saaray xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka.
Shirkaan oo ka furmaya saacado kadib ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha maamulada sida: Jubbaland Axmed Madoobe, Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Koonfur Galbeed Lafta-gareen iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.
Waa Shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee uu shir Guddoomiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortay, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu kulan la qaatay oo kaliya Madaxda maamul Goboleedyada.