Shirka wada xaajoodka shuruucda muhiim u ah arrimaha maamulka maaliyada dalka,geedi socodka hanaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 ayaa xubnaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Baarlamaanka Dalka waxa uu uga furmay Magaaladda Kigali ee xarunta Rwanda,waxaan shirka furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ee BJFS.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed faarax nuux ayaa ugu horeyn furitaanka shirka ka hadlay.
Mudan Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo shirka si rasmi ah u furay ayaa xubnaha guddiga ee shirka ka qeyb galaya kula dardaarmay in ay xooga saaraan ajendayaasha shirka,waxa uuna sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya muhiimad gaar ah siin doono arrimaha miisaaniyadda Dalka.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in baarlamaanka kalfadhigiisa labaad fadhiyadiisa hore waxyaabaha la horgeyn doono ay ka mid tahay miisaaniyadda sanadka 2023-ka.
Shirkan ayaa maalmaha uu socdo waxa ay ka qeyb galayaasha ka doodi doonaan shuruucda muhiimka u ah maamliyadda dalka,geedi socodka hanaanka deyn cafinta dalka iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaan bixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023.