Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Maalintii labaad Magaalada Baydhabo uga qeyb galayo Shirka Guddoonada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedyadda.
Shirkan oo shalay ka furmay Magaaladda Baydhabo ayaa  socon doona Mudo seddex Maalmood ah waana shirkii Afraad ee nuuciisa ee la qabto.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ujeedka shirkaan uu yahay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen gudoonada Golaha Shacabka iyo kan dowlad Goboleedyada isla markaana uu xoojin doono federaaliisimka.
Maalinta Berito ayaa  la filayaa in la soo Gabagababeyo shirkaas iyadoo  laga soo saari doono Warmurtiyeed la isku raacsan yahay.