Kusimaha Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahan Guddomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Maanta Magaalada Baydhabo , si rasmi ah ugu daah-furay Shirka wadatashiga iyo Dib-uheshiisiyiinta Bulshada deegaanada KGN oo ay soo qaban qaabisey Wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib-uheshiisiyiinta maamulkaas.
Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye , ayaa ugu horeen umahadceliyay Wasiirka wasaardda Arrimaha Gudaha KG , howsha wanaagsan uu haayo , si Bulshada Reer Kgs Dib uheshiisiyiin waraata Dhaxdooda Looga dhalliyo.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ahna Guddomiyaha Baarlamanka DGKGS ayaa Bulshada kula dar daaramey in qeyb weyn ay ka qaataan Dib-uheshiisiyiinta, mudda shanta Maalin uu socodo Shirkan in Afkaar saliim ah la isku dhaafsado.
“Dhibaatadii Dalka ka dhacdey waxaa looga soo Gudbey Wadatashi Isu tanaasul , oo Geed hoostiis Garta lagu dhameyn jirey, si aan uga gudubno Is qab qabsi iyo khilaafka daba dheeradey aan ku dhameyno Dib-uheshiisiyiin sal adag le.
Shirka aya waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ‘Xilidhibaano ,odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.