Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa Goordhow waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo Shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Shirka ayaa waxaa daahfuri doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres,waxaana ka qeyb galaya dhamaan Hogaamiyeyaasha Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada New York,iyadoona ka ka qeyb galaya Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.â€
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.