Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Inji oo ay degan yihii hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana kulanka lagu soo waramayaa in looga hadlay arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka  inta uu socday looga hadlay arrimaha dhanka amniga Dhuusamareeb iyo sidii Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna loogu celin lahaa xeryahooda, sidoo kalena laga dhex saari lahaa gudaha Magaalada oo maalmihii la soo dhaafay lagu dhex arkayay Magaalada.
Sidoo kale Wasii Cabdi Maxamed Sabriye iyo Ahlusunna ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashada Galmudug ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona haatan ay socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub.
Si kastaba kulankan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo khilaaf uu ka dhexeeyo hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda, kaasi oo ku aadan dhanka arrimaha Doorashada, maadaama Ahlusunna dhawaan ay magacaawday Guddi Doorasho, xili kal hore ay soo magacaaawday dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan Dhuusamareeb.