Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad Goboleedyada dalka ayaa Maanta shir yeeshay.
Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Fogaan araga ee ZOOM-ka ayaa waxaa diirada lagu saaray inta uu socday Horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo wada shaqeynta Wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir guddoomiyay Shirkaas ayaa sheegay in dowladda iyo maamul Goboleedyada ay ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu adeegaan bulshada.
“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii Maaliyadda dalka, Waxa aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa Horumarinta Dhaqaalaha Dalka iyo wada shaqeynta. Mar waliba waxaa naga go’an in aan bulshada wadajir ugu adeegno†ayuu yiri Wasiir Beyle.
Siihayaha Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad Goboleedyada dalka ayaa dhowr jeer yeeshay shirar looga hadlaayay arrimaha dhaqaalaha dalka.