Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib-uheshiisiinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furtay Shir looga hadlaayo khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.
Shirkaan oo muddo sadax maalin socon doono ayaa looga hadlayaa Xog ururin ku saabsan Khilaafyada kajira Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalkaan Banaadir, waxaana Shirkaan soo qaban-qaabisay asaaradda Arrimaha Gudaha.
Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah dhalinyaro ka kala socday Degmooyinka ayaa ka galaya Shirkaan Maanta furmay.
Agaasimaha waaxda Dib-u heshiinsiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Xaashi Faarax oo furey shirka xog uruurinta khilaafyada Gobolka ayaa marka ugu hore ugu mahadciliyay Mas’uulityiintii kasocday Maamulka Gobalka iyo dhamaan kasoo qayb galayaashii Shirka,
Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay Shirkaan Bulshada Ku nool Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir ayna Muhiim tahay ama laga rabo qofkasta in uu soo bandhigo Caqabadaha kajira Degmooyinka iyo Deegaanada ay kasocdaa in uu Shirka socda.
Sido kale Agasimaha Siyaasadda & Dimoqoraadiyaynta Maamulka Gobalka Banaadir Yuusuf Calasow oo Goobta k ahadlaay ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambaysay Gobolka uu ahaa mid ay ka dhacaysay dhibaatooyin kala duwan, in kastoo uu maalinba maaalinta kale uu Gobolka horumar ka sameynaayay dhinaca nabada.