Madaxweynaha dowlad Goboleedka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa guddoomiyey maanta shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa lagu gorfeeyey xaaladda Amni ee deeganadda Koonfur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga iyo Dardargelinta Howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa inta uu socday shirka waxa uu Warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada maamulka iyo saraakiisha ciidamada xoogga ee qeybta 60-aad, iyagoo ka warbixiyay xaaladda guud ee amniga deegaannada Maamulka.
Degaannada koonfur galbeed ayaa waxa ka soconayo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxa ayna Golaha adkeyeen sidii loo sii dar-dargalin lahaa howlgalada socda islamarkaana loo xoreeyn lahaa degaanada wali ay Shabaabka ku sugan yihiin.