Shir looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay Magaaladaas, Shirka ayaa waxaa uu yahay mid todobaadle ah oo mar lagu qabto Guriceel.
Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa, looga xoojin lahaa amniga Magaalada Guriceel iyo deegaanada hoostega, si looga hortego wax kasta oo amni darro u keeni kara Magaaladaas.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Galmudug iyo kuwa Haramcad ee dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada ayaa Shirka looga dhageystay Warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Guriceel iyo deegaanada hoostega.
Taliyaha Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey oo la hadlay warbaahinta markii uu Shirka soo dhammaaday ayaa sheegay inay garab taaganyihiin Taliyeyaasha Ciidamada qeybahooda kala duwan, waxa uuna tilmaamay inay Saraakiisha is la qateen in laga hortago wax walba oo wax u dhibaya xasiloonida degaanka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliska Booliska degmada Guriceel, Nabadsugidda,  Saraakiisha Ciidanka Haramcad, Ciidamada qeybta 21-aad gaar ahaan Guutada 15-aad, Taliska Gorgor iyo kuwa Daraawishta Galmudug.