Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta ka furmaya shir Caalami ah kaas oo inta badan diirada lagu saari doono xaalada guud ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furi doono shirkaan sida uu qorshuhu yahay,waxaana Goobjoog ka noqon doono Madaxda Maamul goboleedyada,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno metelaya Beesha Caalamka.
Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan looga hadli doono ayaa waxa ay noqon doona,arrimo ay ka mid yihiin qiimeynta qorsha dowladda,Ganacsiga,Maaliyada iyo sidoo kale sidii beesha Caalamka ay ka dhabeyn lahaayeen mashaariicdii ay balan qaadeen.
Maalintii labaad ayaa waxaa xiran dhamaan Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho,iyada oo lagu arkayo Wadoyinkaas ciidamada dowladda oo Gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan,isla markaana dadku ay cagtooda maalayaan.